Fana: At a Speed of Life!

Xisbiyada Barwaaqo iyo United Russia oo kala saxeexday heshiis wadashaqayneed

Addis Ababa,Feb 03, 2021 (Dir 26,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Xisbiga Barwaaqo (PP) ee Itoobiya iyo Xisbiga United Russia Party ee Ruushka ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ay ku wada shaqeynayaan.

Heshiiska waxaa dhanka xisbiga Barwaaqo(pp) u saxiixay Dr .Bikila Hurisa oo ah madaxa PP ee xidhiidhka dadweynaha iyo xidhiidhka caalamiga ah halka dhanka Ruushkana uu saxeexay  Andrey Klimov, oo ah ku xigeenka madaxa xidhiidhka caalamiga ee xisbiga United Russia.

Heshiisku wuxuu xoojinayaa xidhiidhkii iskaashi ee qarniyadii hore ee u dhexeeyey dalalka Itoobiya iyo Ruushka wuxuuna diiradda saaraya danaha guud ee u baahan in la iska kaashado ka xisbiyo ahaan.

Heshiiskan ay wada sexeexdeen xisbiyada labada dhinac ayaa la filayaa in uu  horseedo is faham buuxa oo laga yeesho dhinacyada aragtida iyo wadashaqaynta. ayaa lagu xusay

Intii ay socotay munaasaibadii kalasaxiixashada heshiiska, Dr Bikila wuxuu uga warbixiyay wafdiga Ruushka guulihii cajiibka ahaa ee laga gaadhay dib-u-habeynta ee uu ku tallaabsaday Xisbiga Barwaaqo heer qaran ahaan.

Andrey Klimov wuxuu dhankiisa sheegay in xisbigiisa uu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo xisbiga Barwaaqo arrimo badan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.